Man City oo Dooneyso Saxiixa Erling Haaland.

0
281

Manchester City-(Idaacadda Waamo)-Manchester City ayaa dardar gelin doonta baadi goobka Erling Haaland iyadoo kooxda ay wadahadalo la yeelan doonto wakiilkiisa Mino Raiola bisha January si uu ugu dhaqaaqo Premier League xagaaga dambe.

Sida laga soo xigtay The Times, Haaland ayaa hadda ah magaca ugu sarreeya liiska bartilmaameedyada City waxaana Pep Guardiola uu raadinayaa No 9 cusub ka dib bixitaankii Sergio Aguero xagaagii hore.

21 jirkan Haaland ayaa rikoor goolal oo cajiib ah ku leh kooxda Dortmund isagoo dhaliyay 68 gool 67 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Bundesliga Red Bull Salzburg sanadkii 2020.

Laakiin arinta Man City iyo kooxaha kale ku soo jiidaysa u dhaqaaqista Haaland ayaa ah in xagaaga heshiiskiisa lagu bur-burin karo kaliya lacag dhan 68 milyan oo euro.

Haaland ayaa xiiso ka helay kooxo badan oo reer yurub ah bilihii ugu dambeeyay kana mid ahaayeen kooxaha Man United, chelsea, Barcelona, Liverpool, Real Madrid iyo kooxo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.