Barcelona oo Ka Shaqaynaysa Inay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Ilaa 5 Xiddig.

0
173

Barcelona-(Idaacadda Waamo)- Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeyneyso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddigaha Gavi, Ansu Fati, Pedri, Ronald Araujo iyo Ousmane Dembele.

Kooxda reer Catalan ayaa si furan uga hadashay wadahadaladii ay la yeesheen Gavi, Fati, Pedri iyo Dembele, iyadoo afarta ciyaaryahanba loo arkay inay qeyb muhiim ah ka yihiin qorshaha kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Barcelona ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta daafaca dhexe ee Araujo si loo cusbooneysiiyo heshiiskiisa.

22 jirkaan ayaa muhiim u ahaa kooxda Ronald Koeman intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore isagoo saftay sagaal kulan tartamada oo dhan kooxdana u dhaliyay hal gool.

Heshiiska Araujo ee Camp Nou ayaa dhici doona June 2023, waxaana la sheegayaa in Barcelona ay ka go’an tahay inay xiddiga ka saxiixato heshiis cusub oo wakhti dheer ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.