Xulka Qaranka France oo Ku Guuleystay Koobka UEFA Nations League

0
212

France(Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka France ayaa ku guulaystay koobka UEFA Nations League kadib markii ay garaaceen xulka Spain kulan xiiso lahaa oo ka dhacay San Siro.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo heer sare ah wax walbana ka sameeyeen ciyaarta.

Xulka Spain oo caruur u badnaa ayaa ahaa midka fiican qaybtii hore ee ciyaarta xilli uu xulka France ku dhibaatooday ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah waxana ay labada xul ku fashilmeen in ay wax gool ah kala dhaliyaan.

Xulka Spain ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta sii waday wacdarihii ay dhigayeen iyaga oo ka fiicnaa xulka France kuwaas oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Daqiiqadii 64-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxnaa u dhaliyay xiddiga Mikel Oyarzabal kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay ku hogaaminayaan ciyaarta.

Laakiin 2 daqiiqo kadib gaar ahaan daqiiqadii 66-aad ayuu xulka France ayaa ku soo laabtay ciyaarta kadib markii uu Karim Benzema u dhaliyay xulkiisa gool qurux badan kana dhigay 1/1.

Wixii intaas ka dambeeyay xulka France ayaa la wareegay maamulka ciyaarta isaga oo halis galinayay xulka Spain weerar kasta oo ay qaadaan.

Daqiiqadii 80-aad ayuu xulka France dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France ku guulaystay koobka UEFA Nations League  ee sanadkan sidaasna ku noqday xulkii 2-aad ee ku guulaysta koobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.