Kooxaha Liverpool iyo Man City oo dhibcaha ku qeybsaday Garoonka Anfield kulan afar gool la iska dhaliyey

0
210

Liverpool(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Anfield kulan afar gool la iska dhaliyey oo qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada kooxood Liverpool iyo Manchester City ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah, inkastoo ay Man City soo mareen fursado goolal loo filan karay.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib la isugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan, iyadoo ay surogal noqotay in afar gool la iska dhaliyo labada dhinac.

Daqiiqadii 59-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Mane, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Salah.

69-daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay P. Foden oo caawin ay kaga timid Jesus.Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.