Xarun Caafimaad oo laga dhagax dhigay Deegaanka Istanbuul oo dhaca waqooyiga Magaalada Kismaayo 

0
236

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Deegaanka Istanbuul waxaa uu ka mid yahay degaanada dhaca waqooyiga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaana degaankaan la aas aasay mudo laga joogo ku dhawaad saddex sano .

Dadka ku nool degaanka istanbuul waa kuwo isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato waxaa ayna baahi waayn u qabaan adeegyada aas aasiga u ah nolosha aadanaha sida Caafimaadka ,waxbarashada iyo kuwa kale ee lagama maar maanka ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowlad goboledka Jubbaland ayaa maanta degaanka ka dhagax dhigtay Carun Caafimaad toos oo  ay hirgalin doonto Hay’adda wasdha ‘xaruntaan caafimaad ee la dhagax dhigay hadii la dhiso ay wax badan ka daboolaysa baahida caafimaad ee ay qabaan dadka deegaanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.