Macallinka Juventus ee Max Allegri oo xaqiijiyay inay dhaawacyo soo gaareen Dybala iyo Morata

0
44

Turin(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa xaqiijiyay inay dhaawacyo kala duwan soo gaareen weeraryahannadiisa Paulo Dybala iyo Alvaro Morata kulankii shalay ay ka adkaadeen naadiga Sampdoria.

Dybala ayaa dhaliyay goolkii koowaad ee ciyaartii ay Bianconeri ku adkaatay 3-2 kahor inta aanan dhaawac looga saarin ciyaarta, waxaana Macallin Allegri uu sheegay inuu xiddiga reer Argentina soo gaaray dhaawac uu ku seegi doono ciyaarta Chelsea ee ka tirsan wareegga guruubyada Champions League taasoo dhaceysa habeenka Arbaca.

Sidoo kale, tababaraha Taliyaaniga ah ayaa xaqiijiyay inuu Morata sidoo kale seegi doono ciyaartaas dhaawac awgii.

Si kastaba ha ahaatee, Dybala ayaa seegi doono labada kulan ee soo aaddan isagoo la xanuunsanaya dhaawac kasoo gaaray bowdada lugta bidix sida uu Allegri u xaqiijiyay Sky Italia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.