Qaar ka mid ah Haweenka gobolka Jubbada hoose oo tababar aqoon kororsi ah Kismaayo loogu qabtay

0
217
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Arimaha Gudaha dib u heshiisiinta  iyo Arimaha Federaaliisimka ee Dowlad Golobeedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan lagu wacyi galinayo, Haweenka doonaya inay ka qeyb galaan doorashada Golayaasha Deegaanka ee Dowladaha Hoose.

 

Kulankaan oo socon doona mudo labo cisho ah ayaa  looga goleeyahay in  Haweenka Jubbaland lagu wacyi galiyo inay ka mid noqdaan goloyaasha Deegaanka ayna  soo bandhigaan   doorkooda ku aadan Maamul Daadajinta sida uu sheegay Agaasimaha Wasaarada Arimmaha Gudaha ee Jubbaland Aadan Faarax Gaarane oo faahfaahiyey muhiimada kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.