Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo Saxiixday Mashruuc ka Jawaabista Saameyntii uu ku Reebay Ayaxu Deegaanada Juubaland

0
246
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Abdirahmaan Abdi Ahmed ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin kasocday Hay`adda CIA oo kamid ah Hay`addaha ka howl galo deegaanada Jubbaland.
Wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Iyo Hay`adda CIA ayaa kawada hadlay in wasiirka Wasaarada Gargaarka Jubbaland uu saxiixo Mashruuca Ka jawaabista Saameyntii uu Ku Reebay Ayaxa Deegaanada Jubaland.
Mashruuca Ka jawaabista Saameyntii uu Ku Reebay Ayaxa Deegaanada Jubaland oo uu saxiixay Wasiirka Wasaarada Gargaarka Jubbaland ayaa waxaa ka faa`iideysan doono Ilaa 9055 qoys oo dhibaato ku reebay ayaxii soo gaaray deegaanada Juubbaland.

Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.