Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge guul kaga gaartay kooxda Aston Villa

0
179

London(Idaacadda Waamo)-Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge guul kaga gaartay kooxda Aston Villa, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada isbuuca afaraad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 15-aad Cheelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Romelu Lukaku, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mateo Kovacic.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

49 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Mateo Kovacic ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 90+3 Romelu Lukaku oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Cesar Azpilicueta ayaa hoggaanka ciyaarta u dheereeyay kooxdiisa Chelsea wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Aston Villa oo ay ku soo booqatay garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa haatan booska labaad kaga jirta dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League, waxayna min 10 dhibcood wadaagaan Man United oo farqiga goolasha ku sarreysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.