Lionel Messi oo Bar-Bareeyay Rikoor U yaalay Pele.

0
264

Argentine-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga Xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi ayaa bar-bareeyay rikooR u yaalay Halyeeyga reer Brazil ee Pele kadib goolkii uu ka dhaliyay xulka Bolivia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.

Xulka qaranka Argentine ayaa la ciyaartay xulka qaranka Bolivia kulan ka tirsanaa kulankii 10-aad ee is reeb-reebka koobka adduunka ee qaarada koonfurta America.

Lionel Messi ayaa dhaliyay gool cajiib ah daqiqiadii 14-aad kadib markii uu dhaafay daafacyada xulka Bolivia isaga oo gool gantaal ah ka dhaliyay goolka xulka Bolivia.

Shabakada Opta ayaa sheegtay in uu Lionel Messi sheegtay in uu Lionel Messi bar-bareeyay rikoodhkii Pele ee ahaa gool dhaliyaha ugu badan ee xulalka qaarada Koonfur America isag oo dhaliyay goolkiisii 77-aad.

Xiddiga 6-da jeer ugu fiican adduunka ee Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 77-aad kadib markii uu ciyaaray kulankiisii 153-aad ee xulka qarankisa Argentine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.