Juventus oo durba isku dayaysa inay xiddig ka tirsan Real Madrid ka dhigto baddelka Cristiano Ronaldo

0
202

Turin(Idaacadda Waamo)-Kaddib markii uu Cristiano Ronaldo ka dhaqaaqay Juventus, kooxda Taliyaaniga ka dhisan ayaa durba bilawday baadi-goobka baddelka xiddiga Manchester United ku biiray.

Bianconeri ayaa qorsheysatay u dhaqaaqista laacibka Real Madrid ee Eden Hazard kaasoo hoggaaminaya liiska xiddigaha ay Juve dooneyso inay lasoo wareegto si uu baddel ugu noqdaan Ronaldo.

Laacibka reer Belgium ayaa waayo qurux badan kusoo qaatay kooxda Chelsea kahor inta uusan xagaagii 2019 ku biirin Los Blancos halkaas oo uu ku guuldarreystay inuu kaga soo dhalaalo bandhiggii laga filayay.

Sida ay daabacday MARCA, qorshaha Juventus ee soo qaadashada Hazard ayaa ah inaysan lacag badan ku qarash gareyn isla markaana ay heshiis amaah ah kusoo qaadato si ay miisaaniyad ugu qoondeyso inay Miralem Pjanic dib uga soo iibsato Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.