Madaxwayne ku xigeenka  1-aad ee  Jubbaland oo Shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada

0
198
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee  dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan  ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha Golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Jubbaland.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday arrimo kala duwan oo ku saabsan Jubbaland ayadoo dhinaca kale golaha warbixin laga siiyay arrimaha Siyaasadda iyo doorashooyinka.
Sidoo kale shirka ayaa warbixinno looga dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga, Deegaanka iyo Dalxiisa iyo sidoo kale Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.
Marka uu soo idladay Shirka waxaa warbahinta la hadlay wasiirka warfaafinta iyo hanuunta dadweynaha dowlad Gobleedka Jubbland Salaymaan Maxamed Maxamud  ayaa fafahin guud ka bixiyay waxyabii ugu muhiimsanaa ee loga hadlay Shirka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.