Philippe Coutinho oo albaabada ka xirtay kooxaha Premier League & Wakiilkiisa oo shaaciyay sababta ka dambeysa arrintaas

0
222

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Laacibka Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa iska diiday u ciyaarista kooxaha Premier League kula xafiiltama naadigiisii hore ee Liverpool xilli dhowr jeer lala xiriiriyay qaar ka mid ah kooxaha Ingiriiska.

Naadiga Blaugrana ayaa saddexdii xagaa ee u dambeeyay iib u raadineysay Coutinho kaddib markii uu ku fashilmay inuu kaalin mug leh ka qaato shaqada xiddigaha kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, wakiilka laacibka reer Brazil ee Kia Joorabchian ayaa sheegay inaysan suuro gal ahayn inuu 29-sano jirkan u ciyaaro koox ka dhisan England oo aanan ahayn Liverpool.

“Waxay ila tahay inay Liverpool qalbigiisa si fog u dhex jiifto, taageere weyn ayuu ahaa xilli ciyaareedkii tagay oo dhan wuxuuna rabay inay horyaalka ku guuleysato” ayuu Joorabchian u sheegay Sky Sports.

Wakiilka Coutinho ayaa intaas ku daray inay aad u adag tahay in kubbad qaabeeyihii hore ee Inter Milan uu u ciyaaro koox Reds kula hardameysa horyaalka Ingiriiska.

Coutinho ayaa bishii January ee sanadkii 2018 ka tagay naadiga ku ciyaarta garoonka Anfield isagoo 145 milyan oo gini ugu biiray Barca xilligaas oo uu noqday saxiixa saddexaad ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta kaddib Neymar iyo Kylian Mbappe oo PSG ay ka dhigtay labada saxiix ugu qaalisan kubadda cagta.

Hase ahaatee, xiddgii hore ee Liverpool ayaa lagu tilmaamaa inuu ku guuldarreystay inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay waxaana uu u dhaliyay kaliya 24 gool isagoo saftay 90 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.