Chelsea oo amaah ugu dhaqaaqeysa Saul Niguez & Hal caqabad oo hor taagan qorshahaas

0
98

London(Idaacadda Waamo)-Iyadoo uu maalmihii ugu dambeeyay soo gaaray suuqa kala iibsiga qaaradda Yurub ee xagaaga, kooxda Chelsea ayaa dooneysa inay khadkeeda dhexe kusoo darto laacibka Atletico Madrid ee Saul Niguez weliba qaab amaah ah, balse wararka ayaa sheegaya inay Blues qasab ku tahau inay iibiso qaar ka mid ah xiddigaheeda si ay u sameyso saxiix kale.

Wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee Sportsmail ayaa sheegay inay Chelsea si dhow ula socoto xaaladda Saul iyadoo isu diyaarineysa inay heshiis amaah ah kala xaajooto naadiga Atletico kahor inta uusan xirmin suuqa xagaaga.

Balse majaladda The Telegraph ayaa sheekadaas ku dartay inay marka hore qasab tahay inay kooxda reer England iska iibiso qaar ka mid ah xiddigaheeda.

Sidoo kale, majaladda ayaa intaas ku dartay inay kooxda Los Rojiblancos lagu naaneyso ku iibineyso xiddigeeda khadka dhexe qiimo dhan 38 milyan oo gini, sidoo kalena heshiis amaah ah ay aqbali karto.

Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Saul ayaanan sal fadhiya lahayn xagaagan waxayna u badan yahay inuu xagaagan ka tagayo Wanda Metropolitano, Chelsea ayaana ah kooxdii ugu dambeysay ee lala xiriiriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.