Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho

0
190

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo toban sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan oo ay qaban qaabadeeda haatan ka socoto xarunta Ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyoone ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir Taariikhi ah oo aad u qoto dheer, iyadoo wixii ka dambeeyay Qarnigii 16aad oo ay meela badan oo Dunida ah ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).

Cilaaqaadka labada dal ayaa wiiqmayay markii ay meesha ka baxday  Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay curatay Jamhuuriyadda Turkiga Sanadkii 1923 kii, wuxuuna Turkigu xiriir qunyar socod ah la samaysay Soomaaliya Sanaddii 1979-kii, isagoo Muqdisho ka furtay Safaarad.

Xiriirka labada dal oo ahaa mid hoose ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay 19 Augost 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Ra’iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro ba’an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

Abaarta xilligaas dalka ka taagnayd ayaa loo aqoonsaday tii ugu darnayd ee Soomaaliya ku dhufatay muddo 25 sano ah, iyadoo lagu qiyaasay in intii u dhaxaysay May yo August sannadkii 2011 waxay gaartay 30,0000 iyo xoolo tiro beel ah , sida ay xaqiijisay hay’adda beeraha QM ee FAO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.