RASMI: Tammy Abraham oo dhammaystiray ku biiristiisa Kooxda AS Roma… (Lambarkee ayuu u xiran doonaa?

0
152

Tammy Abraham ayaa dhammaystiray ku biiristiisa Kooxda AS Roma ee Waddanka Talyaaniga, kaddib markii uu ka tagay Naadiga reer England ee Chelsea.

AS Roma oo xaqiijisay la soo wareegista Tammy Abraham ayaa soo qortay: “AS Roma waxa ay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso saxiixa xiddiga xulka qaranka England ee Tammy Abraham.”

Abraham oo 23 sano jir ah ayaa Roma kaga soo biiray Kooxda horyaalka Premier League-ga ka dheesha ee Chelsea oo horraantii sanadkan uu kula guuleystay Champions League, waxaana ay uga soo qaateen sida warbixinnadu ay tilmaamayaan 40 milyan oo euro.

Heshiiska guud ee kala iibsiga waxaa sidoo kale ku jira dhowr qodob oo la xiriira waxqabadka laacibka oo ku saleysan guulaha ciyaaryahanka iyo kooxda.

Chelsea ayaa sidoo kale xuquuq ku yeelan doonta wax waliba oo ku salaysan horumarka uu Weeraryahankani ka sameeyo Kooxda reer Talyaani iyo weliba dhanka suuqa kala iibsiga haddii ay sii direyso Roma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.