Macallin Jose Mourinho oo doonaya inuu Kooxda Roma keeno Weeraryahan ka tirsan Arsenal

0
187

Rome(Idaacadda Waamo)-Macallin Jose Mourinho ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu Kooxdiisa Roma keeno Weeraryahan weyn oo ka tirsan Arsenal.

Wargeyska Gazzetta dello Sport oo ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa Warinaya in Jose Mourinho uu doonayo inuu kooxdiisa ku soo daro Weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Dhinaca kale Weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette ayaa dhankiisa doonaya inuu ku biiro koox ka ciyaareysa tartanka Champions League, Roma ayaanan ka qeyb ka ahayn ka ahayn.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono Lacazette oo doonaya inuu ka ciyaaro tartanka Champions League, halka Jose Mourinho uu doonayo inuu Weeraryahankan ku qanciyo inuu ku soo biiro kooxda ka dhisan Caasimadda Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.