Kaddib markii uu Sterling iska diiday ku biirista Tottenham, Manchester City oo xiddig kale ka qayb gelineysa qorshaha ay kusoo qaadaneyso Harry Kane

0
210

(Manchester)Kooxda Manchester City ayaa si aad ah u baacsaneysa saxiixa weeraryahanka Tottenham Hotspur ee Harry Kane, balse waxay u taag la’dahay qiimaha ay Spurs dul dhigtayn xiddigeeda ee ah 150 milya oo gini.

Sidaas darteed, Maamulka ka arrimiya garoonka Etihad ayaa qorsheynaya inay heshiis is dhaafsi ah oo ay lacago ku darayaan ugu dhaqaaqaan soo xero gelinta kabtanka xulka qaranka England, waxayna doorkan heshiiska ka qayb gelinayaan Bernardo Silva.

Kubbad sameeya reer Portugal ayaa ka gadoodsan fursad la’aanta ka heysata shaxda Macallin Pep Guardiola, waxayna Daily Mail daabacday in kooxda Man City ay laacibkan raacineyso dalab ku kacaya 130 milyan oo gini oo ay Tottenham u bandhigeyso si Kane kaga soo qaadato.

Waxaa horraan inuu heshiiskan qayb ka noqdo iska diiday Raheem Sterling kaasoo aanan ku faraxsaneyn kooxdiisa, sidaas oo ay tahayna waxa uu ka dhiidhiyay inuu u hayaamo London si uu Totteham qayb uga noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.