Raphael Varane oo Codsaday Lambarka 4-aad ee Kooxda Man United.

0
359

Real Madrid(Idaacadda Waamo)- Kooxda Man United ayaa ugu dambayn Real Madrid kala Wareetgay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Raphael Varane kaas oo la filayo in uu si Rasmi ah ugu soo dhaqaaqo Kooxdiisa todobaadka dambe.

Kooxda Man United ayaa 50 milyan oo euro ka bixisay xiddiga Varane iyaga oo ka dhigaya daafacii 3-aad ee ugu qaalisan taariikhdeeda waxana ay isku diyaarinayaan in ay ku dhawaaqaan saxiixa xiddiga.

Wargaska Mirror ayaa sheegaya in uu Varane haatanba Maamulka Man United ka codsaday Lambarka uu doonayo in uu u xirto kooxda marka uu ku soo biiro todobaadka dambe.

Varane oo Kooxda ka dalbaday Lambarka No.4 oo uu ka soo xiran yahay xulka qarankiisa France, laakiin xiddiga Phil Jones ayaa haatan xiran Lambarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.