Diiwaan-gelinta Musharraxiinta Aqalka sare oo magaalada Kismaayo ka bilaabatay maanta

0
177

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka bilaabaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Guddiga oo shalay soo saaray Jadwalka doorashada Aqalka Sare ayaa sheegay in Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 28-ka July 2021 ay bilaabaneyso diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Sare ee Jubbaland

Diiwaa-gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee loo gudbiyay Guddiga hirgelinta ayaa isla Maanta ku eg, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray, waxaana kuraasta ku tartamaya 9 Musharax

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  ayaa soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Xubnahan oo loo gudbiyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland (SIET) ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib ugu soo laabtay Tartanka Senator Fartaag, Senator Iftin Xasan Baasto.

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland ayaa lagu wadaa inay maalinta berri oo khamiis ah ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana  ka socda diyaar garoow ballaaran oo ku aaddan doorashada dhaceysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.