Harry Kane oo noqon doona xiddiga ugu mushaharka badan Premier League haddii uu ku biiro Man City… (Aqriso sida uu noqon karo 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badnaan doona EPL

0
233

England(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester City ayaa aad ugu dhow soo xero gelinta weeraryahanka naadiga Tottenham Hotspur ee Harry Kane, kaasoo sida la sheegay haatan ay isla meel dhigeen heshiiska shaqsiga ah.

Haddaba qormadan way ka geddisan warka arrimaha iibka laacibkan, balse waxaynu ku eegeynaa haddii uu ku biiro Man City booska uu ka geli doono xiddigaha ugu mushaharka badan guud ahaan horyaalka Premier League.

Kabtanka xulka qaranka England ayaa ka qaadan doono Etihad Stadium mushahar gaaraya 467 kun oo euro toddobaadkii marka ay Man City dhammeystirto saxiixiisa.

Halkan hoose ka eeg 10-ka ciyaaryahan ee ugu mushaharka badnaan doona horyaalka Ingiriiska iyo lacagta ay toddobaadkii ka qaadan doonaan kooxahooda marka uu Kane ku biiro Man City:-

10. Edinson Cavani – Manchester United – 292 kun oo euro

9. Anthony Martial – Manchester United – 292 kun oo euro

8. Timo Werner – Chelsea – 315 kun oo euro

7. Paul Pogba – Manchester United – 338 kun oo euro

6. Raheem Sterling – Manchester City – 350 kun oo euro

5. Kai Havertz – Chelsea – 362 kun oo euro

4. Jadon Sancho – Manchester United – 408 kun oo euro

3. Pierre-Emerick Aubameyang – Arsenal – 408 kun oo euro

2. Kevin De Bruyne – Manchester City – 449 kun oo euro

Lambar 1. waxaa geli doona Harry Kane kaasoo toddobaadkii Manchester City ka qaadan doona 467 kun oo euro haddii ay kuu guuleysato saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.