Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland oo faahfaahisay ahmiyadda ay Leedahay dhirta

0
31

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wadankeena Soomaliya waxaa uu hodan ku yahay khayraad dabiici oo laga helo Badda iyo Berriga intaba,waana mid aan kaga duwanahay Caalamka intiisa badan.

Dhirta ayaa ka mid ah khayraadka dabiiciga ah ee wadankeena laga helo siyaabo kala duwan ayeyna bulshada Soomaliyeed u adeegsadaan isticmaalka  dhirta,waxaana jira dhirta qaar laga sameeyo daawooyin dabiici ah sida Geedka loo yaqaano muriingaha oo ay hadda inta badan bulshadu aad u  fahmeen faa’iida uu leyahay.

Wasaaradda Degaanka iyo dalxiiska dolad goboledka Jubbaland ayaa muddooyinkii danbe Magaalada Kismaayo ka waday Barnaamij dadka lagu fahansiinayo faa’iidooyinka ay dhirtu leedahay.

Isku duwaha Wasaaradda Degaanka iyo dalxiiska Jubbaland ee gobolka Jubbada hoose Shamsu-diin Maxamed Cali ayaa ka warbixiyay faa’iidada ay dhirtu u ledahay bulshada iyo deegaanka intaba.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.