Belgium iyo Italy, kulammada caawa laga ciyaari doonto wareega Siddeed dhammaadka ee tartanka Euro 2020

0
186

Kulammo ka tirsan wareega siddeed dhammaadka tartanka koobka qarammada Yurub ee Euro 2020 ayaa lagu wadaa in caawa la ciyaaro.

Xulalka ka soo gudbay wareega 16 koobka qarammada Yurub ee Euro 2020 ayaa caawa isku qaban doono wareega siddeed dhammaadka ee tartankan, waxaana xulalka caawada wada ciyaari doono ay kala yihiin Switzerland iyo Spain, sidoo kale Belgium iyo Italy.

Indhaha caalamka oo dhan waxa ay hayaan caawa kulanka adag ay wada ciyaari doonaan xulalka Belgium iyo Italy, iyadoo xulkii gudba uu si toos ah ugu beegmi doono sidoo kale Switzerland iyo Spain kii caawa soo baxa.

kulammadan ayaa la dheeli doonaa 90 daqiiqo oo waqtiga caadiga ah, haddii daqiiqadaha caadiga ee ciyaarta lagu kala adkaan waayo waxaa la ciyaari doonaa 30 daqiiqo oo dheeraad ah ilaa laga gaaro rigooreyaal ama gool-ku-laadyo haddii 120-kaas daqiiqo lagu kala adkaan waayo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada wareega siddeed dhammaadka caawa laga ciyaari doono tartanka Euro 2020 iyo saacadaha ay soo geli doonaan:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.