Kooxda Manchester United oo markaan tijaabinaysa inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta Eduardo Camavinga

0
198

Manchester(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay markaan tijaabinayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta ciyaaryahan Eduardo Camavinga.

Red Devils waxaa markaan ka go’an inay u dhaqaaqdo sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Camavinga.

Wargeyska The Mail ayaa warinaya in Kooxda kubadda cagta Manchester United ay ka fiirsanayso inay u dhaqaaqdo soo xero-gelinta xiddiga Naadiga Rennes ee Eduardo Camavinga.

Red Devils ayaa seegtay oo ku guuldarreysatay inay gacanta ku soo dhigto Jude Bellingham oo aaday Borussia Dortmund sanadkii la soo dhaafay, laakiin waxay u arkaan Camavinga mid ka beddel fiican.

18-sano jirkaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee mustaqbalka dhow leh ee qaaradda Yurub, isagoo horeba saddex jeer u saftay Xulka France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.