Madaxweynaha Jubbaland oo maanta shir gudoomiyey kulanka Golaha Wasiiradda Jubbaland

0
244
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada  cusub.
Madaxweynaha ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay inay shaqadooda u gutaan sida ugu haboon, iyadoo wasaarad walba ay xooga saarayso shaqada u gaarka ah isla markana ay xoojinayso shaqooyinka kala dhexeeya wasaaradaha kale.
Waxaa Madaxweynahu uu xusay in hufnaanta shaqada ay tahay mid lagu qiimayn doono wasaarad walba isla markana isla xisaabtanka Iyo dabagalka wasaaradaha ay noqon doonan kuwo joogta ah.
marka uuu soo dhamaday shirka waxaa warbahinta  la hadlay wasiirka wasaarada Warfaafinta & Hanuuninta Bulshada Jubbland Suleyman Maxamed Maxamud ayaa ka warbixiyay waxyabaha shirka loga hadlay .

Abdinoor Samriye,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.