Warbixin:Dhibaatada laga dhaxlo Qaadka

0
253
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sida la wada ogsoon yahay qaadku wuxuu leeyahay dhibaatooyin badan waddamada sida ba’an qaadka looga cuno waxay kala yihiin Somaliya, Ethopia, Kenya, Yeman , Djabouti iyo kuwa kale.
dadka qaarkiisa waxay aaminsan yihiin in qaadku inuu yahay xaraan, qaarka kale na waxay aaminsan yihiin inuu yahay Xalaal oo la iska cuni karo oo aanay wax dhibaato ah lahayn oo waqtiga la isku dhaafiyo
Qaadku waa nooc ka mid ah  manadooriyaasha oo dhibaatooyin u geysata qofka cuna qaadka, wuxuuna dhibaatooyin u geystaa xagga maskaxdda iyo  jirka.dhibaatooyinka uu geysto waxaa ka mid ah hurdo la’aan madax xanuun wal wal hadal badannaan isku buuqid graacida wadnaha oo kordha.
isticmaalka qaadka oo waqti badan lagu bixiyo wuxuu kaloo keenaa dhibaatooyin aad iyo aad u adag iyo niyad jab oo ugu dambeyntiina dhici karto inuu u dhiiga maskaxda uu ku furmo ka dibna u geeriyoodo qofka isticmaalayey qaadka
hadaba taasi oo jirto awgeed waxaan booqanay goobaha lagu iibiyo qaadka ee ku yaalo magaalada Kismayo, qaar ka mid ah Haweenka Qaadka iibiyo ayaa waxa ay ka wareysanay caqabaha ay mararka qaar kala kulmaan ka ganacsiga jaadka.
Fartuun Nuur Aadan ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.