Qaar ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Brazil oo diiddan inay ciyaaraan Copa America

0
245

Tartanka Copa America ayaa loo soo wareejiyay dalka Brazil in lagu marti geliyo kaddib markii ay waddamada Argentina iyo Colombia ay siyaabo kala duwan u awoodi waayeen inay tartankan marti geliyaan, waxaana haatan lagu soo warramayaa inaysan xiddigaha xulka qaranka Brazil diyaar u ahayn ciyaarista tartanka qarammada qaaradda Koonfur Ameerika.

Tababaraha xulka Jaalleyaasha Tite ayaa qiray in qaar ka mid ah xiddigaha safkiisa ay diidayaan inay ka qayb galaan tartanka Copa America sabab la xiriirta cabsi ay ka qabaan inuu cudurka Korona Fayras uu kusii xoogeysto dalkooda.

Burburiyaha khadka dhexe ku dagaallama ee Casemiro ayaa shalay ka maqnaa shirkii jaraa’id ee kahor ciyaartii ay xalay ka adkaadeen xulka qaranka Ecuador kulan ka tirsanaa kulammada is-reeb reebka Koobka Adduunka ee xulalka Koonfurta Ameerika.

“Ciyaartoyda si cad ayay ugu khilaafsan yihiin madaxweynaha ka qayb-galka tartankan” ayuu yiri Macallin Tite mar uu ka jawaabay sababtii uu Casemiro uga maqnaa shirka jaraa’id.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigaha xulka qaranka Brazil ayaa xalay kulan ka tirsan is-reeb-reebka Koobka Adduunka 2-0 ku dubtay dhiggooda Ecuador,iyadoo Richarlison iyo Neymar ay shabaqa gaareen, waxaana haatan shaki weyn laga qabaa inay ciyaari doonaan tartanka Copa America ee dalkooda ka furmi doona 13-ka June iyo in xiddigaha muhiimka ah ay u kabo-xiran doonaan ciyaarista tartankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.