Manchester United oo lumisay hoggaanka raacdada loogu jiro saxiixa Jadon Sancho

0
252

Egland(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah inay fasaxdo xagaagan xiddigeeda Jadon Sancho kaasoo la filayo inuu suuqa soo aaddan uu ku laabto dalka Ingiriiska, iyadoo si aad ah loola xiriirinayay naadiga Manchester United.

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay haatan Chelsea la wareegtay hoggaanka loolanka loogu jiro saxiixa Sancho waxayna kaga horreysaa Red Devils.

Man United ayaa xagaagii lasoo dhaafay dadaallo badan u gashay inay gacanta ku dhigto saxiixa 21-jirka garabka ka ciyaara, hase ahaatee, way ku guuldarreystay inay gacanta ku dhigto, halka xagaaganna ay tartan adag kala kulmeyso Blues oo lacago fara badan ku dooneysa inay iibka Sancho ku dhammeystirto sida The Sun ay qortay.

Majaladda ayaa sidoo kale intaas ku dartay in Chelsea ay diyaarineyso dalab qiimo ahaan gaaraya 80 milyan oo gini, xilli Macallin Thomas Tuchel uu maamulka ku cadaadinayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqaan saxiixaan.

Si kastaba ha ahaatee, Jadon Sancho ayaa doonaya inuu kusoo laabto dalka Ingiriiska isagoo horraan kasoo wax bartay kulyadda kooxda Manchester City kahor inta uusan xagaagii 2017 ku biirin naadiga Dortmund.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.