Mohamed Salah oo wada-xaajood hoose la bilaabay mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan suuqa kala iibsiga qaaradda Yurub

0
224

Liverpool(Idaacadda Waamo)-Waxaa wali shaki badan uu ku dul hareersan yahay mustaqbalka laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaasoo haatan lagu soo warramayo inuu wada xaajood si hoose uu ula bilaabay kooxdii ugu horreysay ee isku dayda saxiixiisa xagaagan.

Naadiga Paris Saint-Germain ayaa la xiriirtay wakiillo ka socda laacibka Masaarida si ay uga dhigaan baddelka saxda ah ee Kylian Mbappé kaasoo aanan la hubin mustaqbalkiisa sidoo kalena doonaya inuu isaga hayaamo Paris.

Maadaama ay hakad galeen wada-hadalladii heshiis kordhinta ee PSG iyo Mbappe, majaladda Faransiiska kasoo baxda ee L’Équipe ayaa warineysa inay kooxda difaacaneysa Ligue 1 haatan la xaajooneyso Salah iyo wakiilkiisa kahor inta aysan dalab rasmi ah u gubdinin naadiga Liverpool.

Dhinaca kale, Mustaqbalka 28-sano jirkan ee Anfield ayaanan kala caddeyn xilli horraan uu sheegay inaysan Reds kala hadlin arrimo la xiriira in heshiiskiisa la cusbooneysiiyo, sidaas darteed, waxaa loo badinayaa inay Liverpool aqbali karto haddey hesho dalab macquul ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salah ayaa hoggaanka gool dhalinta horyaalka Premier League la wadaaga laacibka Tottenham Hotspur ee Harr Kane iyagoo leh min 22 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.