Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Wixii Dhex-maray Sadio Mane Oo Iska Diiday In Uu Salaamo Dhamaadka Kulankii Manchester United

0
199

Sadio Mane ayaa iska diiday in uu salaamo tababare Jurgen Klopp oo gacanta usoo taagay markii ay dhamaatay ciyaartii ay xalay ku garaaceen Manchester Untied oo ay Old Trafford  kaga badiyeen 4-2.

Xiddiga reer Senegal ayaa kaydka la geliyey qaybtii hore, waxaana uu soo galay waqti dambe iyadoo kooxdiisuna gaadhay guul muhiim u ahayd oo ay ugu dhowaadeen Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta.

Reds ayaa  u baahnayd in ay saddexda dhibcood ku hesho Old Trafford waxaanay afar dhibcood ka dambaysaa Chelsea balse Reds waxay haysataa hal kulan oo kale oo baaqi ah oo haddii ay badiso ay kaliya hal dhibic u jirsan doonto Blues oo afraad fadhida, halka Leicester City oo kaalinta saddexaad ku jirtaana ay saddex dhibcood u dhaxayn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.