Toddobaadka Tallaalka Adduunka oo maanta la soo gabagabeeyay

0
270

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Waxaa maanta oo taarikhdu tahyay 30-ka April dunida lagu soo gabagabeeyay Toddobaadka Tallaalka Adduunka oo muddo isbuuc ah ka socday guud ahaan dalalka Caalamka.

Barnaamijkaan oo sanadkiiba mar la qabto inta u dhaxeysa 24-30-ka April waa olole caafimaad,kaas oo qeyb ka ah dadaal kor loogu qaadayo wacyiga bulshada ,gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa cudurada dilaaga ah ee dhibaatooyinka ku haya aadanaha.

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka XFS, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF,ayaa sheegtay in todobaadkaan lagu guuleystay bixinta tallaalka jadeecada, xiiq-dheerta, gawracatada, teetanada,cagaarshowga, daacuunka, qaaxada, dabaysha iyo kahortaga COVID-19.

Farriimo ay soo gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo UNICEF ,ayaa lagu sheegay in Tallaalka uu yahay mid difaac u ah jirka bini’aadanka oo xakameyn kara qatarta nuucyada cudurada.

Sannadkaan, Toddobaadka Tallaalka Adduunka wuxuu ku soo beegmay xilli uu gudaha dalka ay ka socdaan la tacaalidda mid ka mid ah cudurada halista ah sida COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.