Sababta Ay Manchester United Ugu Faraxsanaan Karto Isku Aadkii Xalay La Sameeyey

0
303

Kismaayo(Idaacadda Waamo)Manchester United waxa ay heshay qorituur ay ku faraxi karto Champions League-ga wareeggiisa Group-ka.

Taas waa aragtida  Steve Nicol oo ah fallanqeeye oo arkay Manchester United oo Group la gashay Juventus, Valencia iyo Young Boys.

Waxa ay ka dhigan tahay in Cristiano Ronaldo di ugu soo laaban doono Old Trafford iyo in Manchester United markii ugu horreeysay la kulmi doonto kooxda Switzerland ee Young Boys.

Jose Mourinho waxa uu kulanka kowaad la dheeli doonaa Young Boys kahor inta aysan foodda is darin Valencia oo ay kulamada guri banaanka isku xiga la dheelin Juventus.

“Manchester United waa in ay ku faraxsanaato sida ay kulamada ugu yimaadeen,” ayuu yiri Nicol“Waxa ay la dheelayan Young Boys, hadana Valencia kahor inta aysan laba jeer Juve la ciyaarin, xaqiiqdii waa wax aad u wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.