Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in si wada jir ah looga hortago Cudurka Caronavirus

0
319

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne Ahmed Maxed Islaam Ahmed Madowe ayaa  waxa uu Ka Hadlay Cudurka Dunida Saameynta badan ku hayo ee Cavid-19 iyadoo uu sheegay in cudurkaan yahay dilaa oo ay dhibaatadiisu badan tahay. 

Madaxweynaha waxa uu sheeagay in Dalal badan oo Caalamka kamid ah oo ay Soomaaliya ku jirto uu Dhibaato fara badan ku hayo cudurkan coronavirus.

Madaxweynaha waxa uu sheeagay inay Dadku Yareeyaan Isu imaatinka Faraha Badan oo Dadku ku Nagaadaan Guryahooda Maadaama Cudurkaan uu yahay Mid Bulshada ay Si Fudud u Kala Qaadi karto.  

Waxa uu bulshada Somaliyed Gaar ahaan Bulshada Reer Jubbaland ugu baaqay iney is ilaaliyaan oo ay taxadar muujiyaan Madaama Cudurkaan uu yahay mid Saameyntiisu badan tahay.

Cawke Cali Cali,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.