Dowladda Soomaaliya Iyo Saaxiibbada Caalamka oo Shir muhiim ah Ka Yeeshay Arrimaha Dalka

0
384

Muqdisho-(Idaadacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa qadka Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay Arrimaha Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka.

 

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu guuleysto Soomaaliya oo nabad ah.

 

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.