Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland oo mamnuucday dharka Huudheyda ah si looga hor tago Corona-Virus

0
310

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Iyadoo ay wali socdaan dadaalo la isaga ilaalinaayo faafida cudurka coronavirus Guud ahaan Deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa  Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland waxay Gabi ahaanba joojisay keenida dharka lasoo isticmaalo ee loo yaqaano Huudheyda.

Dharka ayaa inta badan laga keeni jirey dalka dibadiisa kaas oo ay keeni jireen Ganacsato ka Ganacsada waxaana Gabi ahaanba la joojiyey in la keeno Jubbaland joojintan dharkan ayaa kusoo beegmeyso xilli la xirey inta badan goobaha laga soo galo magaalada ee kala ah garoonka diyaaradaha ,dekada ksimaayo sidoo kale heegan la galiyey ciidan joogo badaha laga soo galo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland ayaa joojisay keenida iyo ka ganacsiga joornaalka afka iyo gacmaha lagu tirtirto oo inta badan lagu isticmaalo goobaha laga cuneeyo sida Hoteelada iyo Maqaaxiyaha iyadoo sababta loo joojiyey ay tahay Xakameynta Cudurka Covid 19 kaas oo Noloshada Dad badan oo Somali kujirto Galaaftay.

Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.