(SAWIRO) Atletico Madrid Oo Guul Daro Dusha U Soo Saartay Kooxda Liverpool.

0
732

Kismaayo(Idaacada Waamo) Atletico Madrid Iyo Liverpool Ayaa Xalay Kulan Xiiso Badan Wada Qaatay Labada Kooxood Ayaa Soo Bandhigey Ciyaar Qurux Badan Inkastoo ay Liverpool Cadaadis Badan Soo Saartay Atletico Madrid.

Ciyaarta Ayaa Ku Bilaawatay Si Dardar ah oo ay Kooxda Atletico Madrid Ka Faa’iideysatay Bilowgii Ciyaarta Iyada oo Daqiiqadihii ugu Horeeyey La timid Gool Goolkaas oo Hogaanka Ciyaarta U dhiibay Kooxda Atletico Madrid

Atletico Madrid ayaa Nasiinada ugu Dirtay Kooxda Liverpool Hal Gool oo Nadiif ah Kaasi oo yimid Daqiiqaddii 4-aad ee Biloowga Ciyaarta ,Waxayna Goolka Uga Mahadcelinayaan Xidiga Khadka Dhexe ee Saul Niguez.

Fursaddii ugu Horeysay Liverpool Waxa ay Timid Daqiiqaddii 35-aad Xilligaas oo uu Salah Kubad Ku Tuuray Goosha Atletico Madrid Balse Daafac ayay Ku Dhacday oo Koorno ayuu Isaga Saaray.

Qeybtii Hore Ayaa Sidaasi Kusoo Gabagabowday Ciyaarta oo Ay Kooxda Atletico Madrid 1-0 Ku Hogaamineyso Kulanka.

Qeybtii Dambe Ciyaarta ayaa Bilaawatay Si Dar-dar ah ayeyna Ku Bilaawatay Waxayna Kooxda Atletico Madrid La Kulantay Weeraro Is Daba Joog ah oo ay Kusoo Qaadayeen Xidigaha Kooxda Liverpool oo aan u Kala Harin.

Marka Si Guud Loo eego Hanaanka Kulanka, Kooxda Liverpool ayaa Ku Sareeyay Kubadda Balse Meel ay Marsiiyaan ayay Waayeen, Waxa ayna Kooxda Reer Spain Soo Giliyeen Caosta oo Daqiiqadii 77-aad oo Lagu  Badalay Angel Correa Halka Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp uu Soo Giliyay James Milner oo uu Ku Badalay Kabtanka Kooxda ee Henderson.

Kooxda Liverpool Waxa ayna Xalay Marti Ku Ahaayeen Garoonka Kooxda Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano Lugta Koowaad ee Wareegga 16-ka Champion-ka

Ugu Dambeyn Kulanka Ayaa Wuxuu Kusoo Gabagabowday 0-1 oo ay Kooxda Liverpool Ku Dhadhamisay Guuldaro Xanuun Badan.Image

ImageImageImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.