Halyeyga Kubada Kolayga NBA Kobe Bryant ayaa Shil Diyaaradeed Ku Geeriyooday

0
480

Kismaayo(Idaacada Waamo) Halyeeyga Kubada Kolayga ee NBA Kobe Bryant ayaa Ku Geeriyooday Burbur Soo Gaaray Diyaarad Nooca (Helicopter) oo uu Saarnaa.

Kobe Bryant ayaa Dunida Isaga Tagay isagoo Jiro Da’da 41 Sanno Wuxuu Ahaa Halyeey Weyn oo Lagu Xusuusan Doono Kubada Koleyga.

Sida ay Baahisay Warbaahinta TMZ, Xiddigii Hore ee Kooxda LA Lakers ayaa Waxaa Safarka Ku Wehlinaayey Saddex Nin oo Kale iyagoo Diyaarad Qaas ah Qaatay, Waxayna Diyaarada Ku Burburtay Deegaan Calabasas oo u Dhow Magaalada Los Angeles ee Gobolka California ee Dalka Mareykanka.

Waxaa La Xaqiijiyey in Shantii Qof ee Diyaarada Saarnaa inay Dhamaantood Wada Geeriyoodeen iyadoo aysan Jirin Cid Ka Badbaaday.

Sida ay Wararka Sheegayaan Diyaaradda ayaa Gabi ahaan Holacday markii ay dhulka ku dhacday, taasoo sii baab’in karta nolosha dadkii saarnaa.

Waxa uu Dunida uga Tagay Xaaskiisa Vanessa iyo Seddex Caruur ah oo ay isku Dhaleen Isaga Iyo Xaaskiisa Kuwaasoo Dhamaantood ay yihiin Wada Gabdho.

Dunida Isbortiga ayaa Durbaba Tacsi u Direysa Qoyska Halyeeyga Kubada Kolayga iyo Bahda uu Ka Baxay ee NBA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.