Madaxweynaha Cuba oo kala hadlay Soomaaliya iyo Kenya dhaqaatiir looga afduubtay xuduudda labada dal

0
388

HAVANA(Idaacada Waamo)Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel ayaa sheegay inuu kala hadlay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya dhaqaatiir u dhashay dalkiisa oo lagu afduubtay xuduudda labada dal Soomaaliya iyo Kenya bilowgii sannadkan 2019-ka.

Bogga uu madaxweynaha Cuba ku leeyahay Twitterka ayaa lagu soo qoray maanta in uu labada Madaxweyne uu kala hadlay waxna uu ka weydiiyay xaaladda ay ku suganyihiin laba dhaqtar oo u dhashay Cuba kuwaas oo lagu afduubtay kenya haddana la sheegay in lagu hayo Soomaaliya.

Miguel Diaz-Canel ayaa sidoo kale sheegay in uu kala hadlay labada Masuul sidii muwaadiniintaas ay dib ugu soo noqon lahaayeen dalkooda iyagoo bad qaba.

Labadan dhaqtar ayaa bishii Abriil 2019-ka waxaa laga afduubay magalada Mandheera, dowladda Kenya ayaa goor hore sheegtay in dadkaasi lagu hayo meelo kamid ah gobolka Gedo.

Falalka afduubka ah oo loo geysto dadka ajaanibta ah iyo kuwa ka shaqeeya hay’adaha samfalka ayaa ka dhaca xuduudda labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

R/W,Kismaayo 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.