(SAWIRO) S.S.Lazio Oo Garaacday Juventus Kuna Guulaystay Supercoppa

0
686

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Lazio Ayaa Xalay Kulan Xiiso badan La Ciyaartay Kooxda Marwada Duqda ee Juventus

Kulanka Ayaa Ahaa Mid Xiiso Badan oo Dhex Maray Kooxaha Juventus iyo Lazio Kalanka ayaa Ka Dhacay Dalka Saudi Arabia Kulanka ayaa Ka Tirsanaa Finalka Tartanka Supercoppa Kaas oo ay Labada kooxood Isu Soo Haray Soona Gaaray Finalka Tartanka Supercoppa Soona Bandhigeen Qaab Ciyaareed Qurux badan.

Kulanka oo ahaa Mid Waali ah Dhanka Qaab Ciyaareedka ay Labada Kooxood Soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed aad Moodo in ay Ku Dagaalamayeen Finalka Koobka adduunka.

Kooxda Lazio ayaa Maalmo Kahor Garaacday Juventus Kulan Horyaalka Serie A-da ahaa Mar Kalena Juventus Ka Qaaday Koobka Supercoppa Dalka Italy.

Lazio ayaa ayaa Goolasha Bilowday Daqiiqadii 17-aad ayey Dhalisay Goolka 1-aad iyada oo uu  Dhaliyay Xiddiga Luis Alberto Kaas oo Hogaanka u Dhiibay Kooxdiisa.

Laakiin Kooxda Juventus ayaa Dib Uga Soo Laabatsy Goolkii Lagala Hormaray Daqiiqadii 45-aad ayey Keentay Goolka Bar-bar Dhaca iyaga oo uga Mahadcelinaayo Xiddigooda Paulo Dybala Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 1/1.

Waxa Sidaas Kusoo Gaba-gabowday Qaybtii Hore ee Ciyaarta oo ay Labada Kooxood Muujiyeen Qaab Ciyaareed Qurux Badan.

Qaybtii Dambe ayay Lazio ku soo gashay Dar-dar Ka Badan Tii Qaybtii Hore iyaga oo Soo Bandhigeen Qaab Ciyaareed Heer Sare ah Kana awood Badnaa Kooxda Kasoo Horjeeda ee Juventus.

Lazio Daqiiqadii 73-aad ayay Dhalisay Goolka 2-aad ee Ciyaarta iyaga oo uga Mahadcelinayo Xiddiga Senad Lulic Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 2/1.

Kooxda Juventus ayaa Daqiiqadii 90-aad Waxaa Kaarka Cas Ka Qaatay Xiddiga Rodrigo Bentancur Kadib Juventus Xaalka Ayaa Kusii Xumaaday.

Isla Daqiiqii 90-aad Lazio Ayaa La Timid Goolka 3-aad ee Ciyaarta  Waxaana U Dhaliyey Xiddiga Danilo Cataldi

Kooxda Lazio Ayaa Sidaasi Guul Raaxo Leh Kaga Gaartay Kooxda Juventus Kooxda Ayaana Sidaa Ku Qaaday Koobkii 5-aad ee Supercoppa Taariikhdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.