RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xidigii Ugu Fiican Tartanka Club World Cup-ka

0
354

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiddiga Xulaka Qaranka Masar iyo Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa Ku Guulaystay Xiddigii ugu Fiicnaa Tartanka Club World Cup-ka Kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Xiddiga Salah ayaa Caawiye Ka Noqday Goolkii uu Xidiga Naby Keita Ka Dhaliyay kulankii Semi-finalka Halka uu Sidoo Kale Kubad Qurux badan Soo Bandhigay Finalka.

Kadib Markii ay Dhamaatay Ciyaartii Finalka Club World Cup-ka Xidiga Mohamed Salah ayaa La Gudoonsiiyay abaalmarinta Xiddigii ugu Fiicnaa Tartankii 8-da Maalin Ka Socda Magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Xiddiga Kooxda Liverpool ayaa Sidoo Kale Ku Guulaystay abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Tartanka ee ay Bixisay Shirkada Alibaba Claud Kuwaas oo Lahaa Xuquuqda Xayaysiinta Tartanka Club World Cup-ka.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.