RASMI :- Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Tababareheeda Cusub

0
346

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer Landan ee Arsenal ayaa Si Rasmi ah u Xaqiijisay inuu Mikel Arteta Noqday Tababarohooda Cusub Kadib Markii ay Dhamaystireen Wadahaadii Mudooyinkii Ugu Dambeeyey  ay La Qaadanaayeen Tababaraha.

Kooxda Arsenal ayaa Mikel Arteta Ka Saxiixatay Heshiis 3 Sano iyo Bar ah oo uu Ku Hogaamin Doono Kooxda Arsenal Qaybta Dambe ee Xilli Ciyaareedkan iyo 3 sano oo soo Socda.

Arteta ayaa Horay ugu Soo Ciyaaray Kooxda Arsenal intii u Dhexaysay 2011 ilaa 2016 isaga oo Kooxda u Soo Saftay in Ka Badan 110 Kulan intii uu Joogay Ka Hor inta uuna Ciyaaraha Kaga Fadhiisan Isla Kooxda Arsenal.

Tababaraha Cusub ee Arsenal ayaa La Filayaa in uu Daawado Kulanka ay Arsenal La Ciyaari Doonto Kooxda Everton Todobaadkan Kahor inta uuna Isniinta Si Rasmi ah ula Wareegin Shaqada Tababaranimo ee Kooxda Arsenal.Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.