Maamulka iyo macalimiinta Machadka tababarka macalimiinta Jubbaland oo qabtay munaasabad lagu soo bandhigayay hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

0
354

Kismaayo(Idaacada Waamo)Munaasabadan oo ahayd mid heerkeedu sareeyo islamarkaasina maamulka iyo macalimiinta Machadka tababarka macalimiinta Jubbaland ay ku soo bandhigayeen dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu xarunta Machadka ee magaalada Kismaayo.

waxaana goobta lagu soo bandhigay dhaqanka iyo hidada Soomaalida noocyadiisa kala duwan ustaad Kamaal Sheikh Khaliif ku simaha maamulaha machadka tababarka macalimiinta Jubbaland oo ka hadlay munaasabada ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhaqanka iyo muhiimada uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Mowliid Cabdiqaadir oo ka socday wasaaradda waxbarashada Jubbaland ayaa dhankiisa bogaadiyay soo bandhigida dhaqanka iyo hidaha Soomaalida.

R/W,Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.