Rikoor :- Man United Oo Boorka Ka Jafatay Rikoodh Xun Oo Ay Horyaalka Ka Dhigeen 33 Sano Ka Hor

0
469

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Man United ayaa Guuldaro Kala Kulantay Kooxda Bournemouth Kulan Ka Tirsanaa Horyaalka Premier League Kana Tirsanaa Todobaadkii 11-aad ee Horyaalka Premier League.

Gool uu Joshua King ayaa Bournemouth Ka Caawiyay in ay Man United Dhabarka u Saarto Guuldaro aysan Filaneynin Bournemouth-na ay Ka Caawisay in ay Kaalinta 6-aad Kasoo Gasho Kala Saraynta Horyaalka Premier League.

Kadib Guuldaradaas Kooxda Man United ayaa Boodhka Ka Jaftay Rikoor Liita oo ay Ka Dhigtay Horyaalka Premier League 33 Sano Ka Hor Gaar ahaan Xilli Ciyaareedkii 1986-1987.

Rikoodhkaas ayaa ah in ay Man United 13 Dhibcood Ka Heshay 11-kii kulan ee ugu Horeeyay Horyaalka Premier League Taas oo ay Dhibcii ugu yaraa ee ay Ka Heshay Horyaalka Heera Sare Tan ilaa 1986-1987 Markaas oo ay 11 Dhibcood ka Heshay 11-kii Kulan ee ugu Horeeyay ee ay Ciyaartay Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.