Maamulka Isbitaalka Goobwayn oo Baaq u Diray Hooyoyinka Ku Umala Xaafadaha

0
489
Kismaayo(Waamo Radio) Maamulka isbitaalka Degaanka Goobweyn oo lahadlay Radio Waamo ayaa waxaa uu sheegay in bulshada degaanka goobweyn ay ubaahan yihiin in wacyi galin badan loo sameeyo si ay ugartaan Qiimaha uu Isbitaalku ugu fadhiyo Caafimaad ahaan.
Agaasimaha Isbitaalka Goobwayn Siyaad Suleeman Cumar ayaa intaas ku daray in Xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay mar waliba uu uga wanaagsan yahay bulshada xanuun isbitaalka degaanku.
Dhanka Kale Maamo Iisho Waxa Ay Ka Mid Tahay Umuliso Dhaqameed Yada Deeganka Waxa Ay Ka Warameysa Qibrada Ay u Leedahay In  Ay Wax Ka Umuliso Iyo Hadii Ay La Kulanto Qatar Wax Yabaha Ay Ku Bad Baadin Karto Hoyada iyo Dhalaanka.
waxaa uu ugu danbeeyntii  Maamulka Isbitaalka degaanku ugu Baaqay In Hooyoyinka Ay Xarunta Caafimaad Tagaan Si Xaladahooda loo La Socdo inta ay uurka leeyihiin.
Wxaa warbixintaan inoo soo jeedinaysa:-Fartuun Nuur Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.