RASMI: 24 Xul Ee Sida Rasmiga Ah Ugu Soo Baxay Koobka Qaarada Africa, Wakhtiga La Samayn Doono Isku Aadka !!!

0
494

Waxa shalay oo Axad aheyd si Rasmi ah loo dhamaystiray kulamada is reeb-reebka koobka qaarada Africa ee sanadkan gaar ahaan xagaaga.

Koobka Qaarada Africa ayaa si Rasmi ah uga bilaabmi doona dalka Masar 19 bisha June isaga oo socon doona ilaa 21 bisha July ee sanadkan.

Tartanka ayay sanadkan ka soo qayb gali doonaan 24 kooxood kadib markii wax laga badalay kooxaha ciyaari doona tartanka.

Waxa shalay oo Axad aheyd soo dhamaaday is reeb-reebka tartanka oo muddo dheer soo socday waxana shalay u soo baxay tartanka 12 xul.

Isku aadka tartanka ayaa la qaban doonaa 12 bisha April oo ku beegan maalin jimce iyada oo lagu qaban doono caasimada Masar ee Cairo.

Xulka qaranka Kenya ayaa si lama filaan ah ugu soo baxay wareega Group-yada tartanka qaarada Africa markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2004

Hadaba Halkna Waa Kuwan Liiska 24 xul ee u soo baxay koobka ugu qiimaha badan qaarada Africa ee sanadka 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.