Xulka Italy Oo Guul Dahabi ah Ku Bilowday Is Reeb-Reebka Euro 2020

0
407

Xulka Qaranka Italy ayaa guul dahabi ah ka gaaray xulka Finland ku bilowday is reeb-reebka Euro 2020 kulan ka dhacay Italy.

Italy ayaa isha ku haya in ay ku soo laabtaan tartamada waaweyn kadib markii ay seegeen Koobkii adduunka ee sanadkii hore lagu qabtay Russia.

xulka Italy ayaa ku bilowday si cajiib ah iyaga oo qaadayay weeraro waliba maamulayay kulanka dhan walibana kaga awood badnaa xulka Finland.

Gool :- Xulka Italy ayaa daqiiqadii 7-aad hogaanka u qabtay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Nicolo Barella kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Italy ayaa dhalin karay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadihii ay samaynayeen laakiin waxa u suurgali wayday in ay shabaqo soo taabtaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Italy ku hogaaminayay 1/0 waliba dhalin karay goolal intaas ka badan.

Gool :- Xulka Italy ayaa sii dheeryastay hogaanka ciyaarta daqiqiadii 74-aad iyaga oo uu goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Moise Kean kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

ciyaarta Ayaa Kusoo Dhammaatay 2-0 oo uu xulka qaranka Italy Guul ku Bilowday  is reeb-reebka koobka Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.