WARBIXIN: 250 Milyan Oo Man United Qorshaynaysa In Ay Ku Bixiso Suuqa Kuna Soo iibsato Saddex Da,yar

0
399

Kooxda Manchester United ayaa isku diyaarinaysa in ay isku shaandhayn weyn ku samayso kooxdeeda waliba ay ciyaartooy cusub kusoo kordhiso kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay xilli ciyaareedka dambe ugu tartanto hanashada koobabka kala duwan.

Manchester United ayaa bartilmaameedsanaysa saddex xiddig oo u soo kacay Portugal kuwaas oo ay ku dalban doonto lacag dhan 250 milyan euro.

Tababaraha la filayo in uu si buuxda ula wareego shaqada kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya xiddigo da,yar ah oo fiican halkii uu la soo saxiixan lahaa xiddigo khibrad leh.

Waana sababta uu maamulka kooxdiisa u dalbay in ay si gaar ah ula socdaan xiddigaha kooxda Benfica ee  Joao Felix, 19, & Ruben Dias, 21 iyo xiddiga kooxda Sporto Lisbon ee Bruno Fernandes.

Laakiin Manchester United ayaa tartan kala kulmaysa kooxo badan oo Reer yurub oo ay ka mid yihiin Manchester City, Juventus, Barcelona iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya adeega xiddigahaas.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Joao Felix ayaa lagu heli karaa lacag dhan 105 milyan oo euro halka xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes lagu helayo 95 milyan halka Ruben Dias lagu qiimeeyo 50 milyan oo euro.

Lacagtaas ayaa kor ugu Kacaysa lacag dhan 250 milyan oo euro hadii ay koox doonayso in ay wada hesho saddexda xiddig ee da,yarka ah.

Si kasta ha ahaatee arintaas ayaan suurtagal ahayn in ay Manchester United mar wada keento saddexda xiddig sidaas darteed Tababare Solskjaer ayaa furaya dookhyadiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.