Paulo Dybala iyo Antoine Griezmann Xiddiga Ugu Cad-Cad Ee Man United Ku Biiri Kara Oo La Ogaaday Iyo Sababta Ay Ugu Cad Cadahay !!!

0
421

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa in ay samayso saxiixyo waaweyn oo ay ku Adkeneyso kooxda marka la gaadho suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka.

Is badalka ay Man United ku samaysay dhanka suuqa ayaa la macno ah in ay la soo saxiixato Xiddiga Paulo Dybala marka loo eego xiddiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.

Laakiin wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in ay Man United riixayso sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa Dybala kaas oo uu mustaqbalkiisa fog ee Juventus shaki weyn ku jiro.

Griezmann ayaa ku soo baxay Liiska Man United kadib markii ay soo bexeen wararka sheegaya in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Atletico Madrid.

Kooxda Man United ayaa lala xiriirinayaa saxiixa xiddigaha Atletico Madrid ee Griezmann & Juventus ee Dybala.

Waxa sidoo kale la sheegayaa in uu Dybala uga cad-cadyahay ku biirista Man United marka loo eego xiddiga Atletico ee Griezmann.

Sidaas darteed taageerayaasha United waa in ay filaan in ay Maamulka kooxdoodu awooda saari doonaan saxiixa Dybala marka loo eego Griezmann.

Sababta ayaa ah in ay Man United badashay siyaasadeeda suuqa iyada oo aan la soo saxiixan doonin wixii ka weyn 25 sano taas oo la macno ah in uu Griezmann yahay 28 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.