Kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa isku diyaarinayaan in ay dalabyo ka gudbiyaan saxiixa N’Golo Kante.

0
559

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea heli doonto dalabyo looga doonayo xiddiga khadka dhexe ee reer France.

Xiddiga Kante ayaa shaki la,aan ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe kubada cagta addduunka wakhti xaadirkan.

Kante ayaa saxiixay heshiis wakhti dheer ah bilowgii xilli ciyaareedkan kaas oo uu ku noqday xiddigaha ugu mushaharka badan premier League.

Laakiin kooxaha Juventus iyo chelsea ayayna arintaas ka hor istaagi doonin in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Juventus ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey waxana la sheegayaa in ay doonayaan in ay Kante soo raaciyaan Xiddiga reer Wales si uu khadka dhexe ugala ciyaaro Miralem Pjanic.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa doonaysa xiddiga iyada oo ay kaga dhagan tahay tababare Zinedine Zidane kaas oo taageero weyn u ah xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.