HORDHAC: Juventus vs Atletico Madrid

0
521

Juventus ayaa garoonkeeda ku martigelinaysa Atletico Madrid, kulanka loogu magac-daray dhimo ama noolow ee lugta labaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League.

Juventus oo lugtii hore lagaga soo adkaatay 2-0 ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa naadiga xamaasadda iyo jiidh-jiidhka badan ee Atletico, waxaana ay u noqon doontaa fursaddii ugu dambaysay ee ay tallaabo hore ugu qaadi karo hammigeeda horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League oo ay xili ciyaareedkan si adag ugu diyaar-garowday kaddib laba sannadood oo ay niyad-jab ka qaadday kulamadii u dambeeyey.

Xogta Kulanka:

Ciyaarta: Juventus vs Atletico Madrid

Tartanka: UEFA Champions League – Lugta Labaad ee Wareegga 16-ka

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Bjorn Kuipers oo u Dhashay Netherlands

Wararkii Ugu Dambeeyey ee labada Kooxood

Juventus waxa ka maqnaanaya Sami Khedira oo wadne xanuun laga helay ka hor kulankii lugta koowaad ee Atletico ay u tagtay, Juan Cuadrado oo jilibka dhaawac ka ah, Douglas Costa oo muruqa waxyeello kasoo gaadhay iyo Alex Sandro oo ganaax ku maqnaanaya.

Cristiano Ronaldo, Mario Mandzukic, Giorgio Chillini iyo Leornardo Bonucci oo dhamaantood nastay ciyaartii Jimcihii ee horyaalka Sere A, ayaa kusoo laaban doona safka koowaad, sidoo kalena Paulo Dybala ayaa la filayaa in safka hore uu kasoo muuqdo.

Emre Can ayay suurtogal tahay in aan lagu soo bilaabin ciyaarta oo laga door-bido xiddiha kale, balse ganaaxa Sandro ayaa fursad siin doona Mattia de Sciglio oo baasha bidix ka ciyaari doona, halka Joa Cancelo oo in kasta oo uu dhaawac fudud qabo haddana baasha midig xajisan doono.

Dhinaca Atletico Madrid, halgamaaga difaaca ee Diego Godin ayaa dhaawacii kuraanta kasoo laabtay, taamna u ah ciyaartan, balse haddii uu Simeone arko in dhibaato kasoo gaadhi karto oo taam ahaanshihiisa shaki galo, waxa difaaca dhexe wadaagi doona Stefan Savid iyo Gimenez.

Atletico Madrid waxa ciyaartan ka maqnaan doona Thomas Partey iyo Diego Costa, waxaase taam ah oo beddeli doona Alvaro Morata iyo Thomas Lemar, halka Saul Niguez uu mar kale lama-taabtaan ahaan doono.

Shaxaha Laga Filan Karo Labada kooxood:

Juventus: Szczesny; Cancelo, Bonucci, Chiellini, De Sciglio; Bentancur, Pjanic, Matuidi; Dybala, Mandzukic, Ronaldo

Atletico: Oblak; Juanfran, Godin, Gimenez, Luis; Koke, Rodri, Saul, Lemar; Griezmann, Morata.

Rikoodhka kulamadii hore u dhex-maray

Kulankii hore ee dhax-maray labadan kooxood ee Atletico ay ku adkaatay wuxuu ahaa markii saddexaad ee ay iskaga hor yimaaddaan tartamada Yurub. Atletico ayaa laba ciyaarood guuleysatay, mid kalena barbar-dhac ayay ku kala baxeen, taas oo ka dhigan in Juventus aanay marna guul kala soo hoyan ciyaar ay ku kulmeen Atletico Madrid.

Waligood hal mar ayay hoyga Juventus isku haleeleen labadan kooxood, waxaanay ahayd ciyaartii goolal la’aanta ay ku kala baxeen ee December 2014 oo heerka Group-yada ee Champions League ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.